• 1. Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.

  • 2. Iyo Dhuuri Siina.

  • 3. Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).

  • 4. Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.

  • 5. Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).

  • 6. Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go`aynin.

  • 7. Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.

  • 8. Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).