• 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa`igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).

  • 2. Iyo tan si fudud uga qaadda (mu`miniinta).

  • 3. Iyo Malaa`igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).

  • 4. Iyo tan u orotanta wanaagga.

  • 5. Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).

  • 6. Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).

  • 7. Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).

  • 8. Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.

  • 9. Araggeeduna wuu dullaysnaan.

  • 10. Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).

  • 11. Markaan noqonno Lafo duugoobay.

  • 12. Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.

  • 13. Waa uun Hal Qaylo kaliya.

  • 14. Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.

  • 15. Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.

  • 16. Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.

  • 17. Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.

  • 18. Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.

  • 19. Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.

  • 20. Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.

  • 21. Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).

  • 22. Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.

  • 23. Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.

  • 24. Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.

  • 25. Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.

  • 26. Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.

  • 27. Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.

  • 28. Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.

  • 29. Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).

  • 30. Dhulkana markaas ka dib fidiyay.

  • 31. Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.

  • 32. Buurahana sugay.

  • 33. Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.

  • 34. Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).

  • 35. Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.

  • 36. Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.

  • 37. Ruuxiise xadgudba.

  • 38. Nolosha Adduunyana doorta.

  • 39. Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.

  • 40. Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).

  • 41. Wuxuu u dheelman Janno.

  • 42. Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.

  • 43. Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.

  • 44. Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.

  • 45. Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.

  • 46. Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).