• 1. Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.

  • 2. iyo Dabaysha sida daran u dhabata.

  • 3. Iyo Dabaysha roobka kicisa.

  • 4. Iyo malaa`igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.

  • 5. iyo malaa`igta waxyiga soo Dajisa.

  • 6. Si Dadka loo waaniyo looguna digo.

  • 7. Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.

  • 8. Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.

  • 9. Oo samadu Dildillaacdo.

  • 10. Oo Buuraha la Rujiyo.

  • 11. Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).

  • 12. Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.

  • 13. In dadka la kala Bixiyo Dartiis.

  • 14. Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.

  • 15. Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

  • 16. Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.

  • 17. Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.

  • 18. Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.

  • 19. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

  • 20. Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.

  • 21. Markaasna yeellay meel ilaashan.

  • 22. Tan iyo Muddo la yaqaanno.

  • 23. Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.

  • 24. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

  • 25. Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.

  • 26. Nolol iyo Geeriba.

  • 27. Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.

  • 28. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

  • 29. Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.

  • 30. Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.

  • 31. Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.

  • 32. Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.

  • 33. Ama aad Mooddo geel madaw ah.

  • 34. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

  • 35. Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.

  • 36. Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.

  • 37. Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

  • 38. Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.

  • 39. Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.

  • 40. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

  • 41. Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;

  • 42. (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.

  • 43. Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.

  • 44. Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.

  • 45. Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.

  • 46. (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;

  • 47. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

  • 48. Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.

  • 49. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

  • 50. Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.