• 1. Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).

  • 2. Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.

  • 3. Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.

  • 4. Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.

  • 5. kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.

  • 6. Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,

  • 7. Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).

  • 8. Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).

  • 9. Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.

  • 10. Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.

  • 11. Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.

  • 12. Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.

  • 13. Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.

  • 14. Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.

  • 15. Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.

  • 16. Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.

  • 17. Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.

  • 18. Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).

  • 19. Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.

  • 20. Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.

  • 21. Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.

  • 22. Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.

  • 23. Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.

  • 24. Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).

  • 25. Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.

  • 26. Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.

  • 27. Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).

  • 28. Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.

  • 29. Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.

  • 30. Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.

  • 31. Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.