• 1. Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.

  • 2. Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»

  • 3. ee Eebe Caabuda kana dhawrsada`anigana i adeeca.

  • 4. Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.

  • 5. Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.

  • 6. Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.

  • 7. Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.

  • 8. si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»

  • 9. Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.

  • 10. Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.

  • 11. Cirkana Roob badan ha idinka keenee.

  • 12. Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.

  • 13. Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.

  • 14. Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.

  • 15. Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.

  • 16. Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.

  • 17. Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.

  • 18. Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.

  • 19. Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.

  • 20. Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.

  • 21. (Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.

  • 22. Dhagar waynna way Dhakreen.

  • 23. Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.

  • 24. Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.

  • 25. Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,

  • 26. Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.

  • 27. Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.

  • 28. Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu`min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.