• 1. Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
  • 2. Xaaqo maxay tahay.
  • 3. inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
  • 4. Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
  • 5. Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
  • 6. Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
  • 7. oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
  • 8. wax ka hadhay miyaad aragtaa.
  • 9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
  • 10. Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
  • 11. Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
  • 12. si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
  • 13. Marka Suurka la afuufo hal mar.
  • 14. Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
  • 15. Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
  • 16. Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
  • 17. Malaa`igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
  • 18. Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
  • 19. Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
  • 20. Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
  • 21. wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
  • 22. Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
  • 23. Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
  • 24. Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
  • 25. Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba`ee maan la i siinin Kitaabkayga.
  • 26. Xisaabtaydana maanan ogaanin.
  • 27. Magaacayba`ee maxaan u soo noolaaday.
  • 28. Xoolahaygi wax iima tarin.
  • 29. Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
  • 30. Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
  • 31. Naarta Jahannamada geliya.
  • 32. Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
  • 33. maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
  • 34. aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
  • 35. Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
  • 36. Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
  • 37. Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
  • 38. Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
  • 39. iyo waxaydaan arkayninba.
  • 40. ee Qur`aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
  • 41. Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
  • 42. Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
  • 43. (Qur`aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
  • 44. Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
  • 45. Waxaanu ku qaban gacan adag.
  • 46. Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
  • 47. Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
  • 48. Qur`aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
  • 49. Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur`aanka).
  • 50. Qur`aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
  • 51. Qur`aanka waa run dhab ah.
  • 52. Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.
SHARE
logo
logo
logo
logo
logo
  • 1.Al-Fatihah
  • 2.Al Baqara
  • 3.Ali `Imran
  • 4.An-Nisa
  • 5.Al-Ma`idah
  • 6.Al-An`am
  • 7.Al-A`raf
  • 8.Al-Anfal
  • 9.At-Tawbah
  • 10.Yunus
  • 11.Hud
  • 12.Yusuf
  • 13.Ar-Ra`d
  • 14.Ibrahim
  • 15.Al-Hijr
  • 16.An-Nahl
  • 17.Al-Isra
  • 18.Al-Kahf
  • 19.Maryam
  • 20.Taha
  • 21.Al-Anbya
  • 22.Al-Haj
  • 23.Al-Mu`minun
  • 24.An-Nur
  • 25.Al-Furqan
  • 26.Ash-Shu`ara
  • 27.An-Naml
  • 28.Al-Qasas
  • 29.Al-`Ankabut
  • 30.Ar-Rum
  • 31.Luqman
  • 32.As-Sajdah
  • 33.Al-Ahzab
  • 34.Saba
  • 35.Faatir
  • 36.Ya-Sin
  • 37.As-Saffat
  • 38.Sad
  • 39.Az-Zumar
  • 40.Ghafir
  • 41.Fussilat
  • 42.sh-Shuraa
  • 43.Az-Zukhruf
  • 44.Ad-Dukhan
  • 45.Al-Jathiyah
  • 46.Al-Ahqaf
  • 47.Muhammad
  • 48.Al-Fath
  • 49.Al-Hujurat
  • 50.Qaf
  • 51.Adh-Dhariyat
  • 52.At-Tur
  • 53.An-Najm
  • 54.Al-Qamar
  • 55.Ar-Rahman
  • 56.Al-Waqi`ah
  • 57.Al-Hadid
  • 58.Al-Mujadila
  • 59.Al-Hashr
  • 60.Al-Mumtahanah
  • 61.As-Saf
  • 62.Al-Jumu`ah
  • 63.Al-Munafiqun
  • 64.At-Taghabun
  • 65.At-Talaq
  • 66.At-Tahrim
  • 67.Al-Mulk
  • 68.Al-Qalam
  • 69.Al-Haqqah
  • 70.Al-Ma`arij
  • 71.Nuh
  • 72.Al-Jinn
  • 73.Al-Muzzammil
  • 74.Al-Muddaththir
  • 75.Al-Qiyamah
  • 76.Al-Insan
  • 77.Al-Mursalat
  • 78.An-Naba
  • 79.An-Nazi`at
  • 80.Abasa
  • 81.At-Takwir
  • 82.Al-Infitar
  • 83.Al-Mutaffifin
  • 84.Al-Inshiqaq
  • 85.Al-Buruj
  • 86.At-Tariq
  • 87.Al-A`la
  • 88.Al-Ghashiyah
  • 89.Al-Fajr
  • 90.Al-Balad
  • 91.Ash-Shams
  • 92.Al-Layl
  • 93.Ad-Duhaa
  • 94.Ash-Sharh
  • 95.At-Tin
  • 96.Al-`Alaq
  • 97.Al-Qadr
  • 98.Al-Bayyinah
  • 99.Az-Zalzalah
  • 100.Al-`Adiyat
  • 101.Al-Qari`ah
  • 102.At-Takathur
  • 103.Al-`Asr
  • 104.Al-Humazah
  • 105.Al-Fil
  • 106.Quraysh
  • 107.Al-Ma`un
  • 108.Al-Kawthar
  • 109.Al-Kafirun
  • 110.An-Nasr
  • 111.Al-Masad
  • 112.Al-Ikhlas
  • 113.Al-Falaq
  • 114.An-Nas