• 1. Markay Qiyaamadu dhacdo.
  • 2. Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
  • 3. Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
  • 4. Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
  • 5. Buurahana la riqdo.
  • 6. Oy noqoto boodh Firdhisan.
  • 7. Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
  • 8. Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
  • 9. Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
  • 10. Iyo kuwii aad u hormaray.
  • 11. Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
  • 12. Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
  • 13. Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
  • 14. Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
  • 15. Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
  • 16. Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
  • 17. Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
  • 18. Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
  • 19. Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
  • 20. Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
  • 21. Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
  • 22. Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
  • 23. Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
  • 24. Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
  • 25. Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
  • 26. Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
  • 27. Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
  • 28. Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
  • 29. Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
  • 30. Iyo Hoos joogta ah.
  • 31. Iyo Biyo socda (goor walba).
  • 32. Iyo Faakiha badan.
  • 33. Oon la goynaynin lana reebaynin.
  • 34. Iyo Gogol la koryeelay.
  • 35. Annagaa ahaysiin (Da`yarayn Haweenka Jannada).
  • 36. Kana dhigi kuwa aan la taaban.
  • 37. Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
  • 38. Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
  • 39. Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
  • 40. Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
  • 41. Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
  • 42. Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
  • 43. Iyo hoos madow oo wax guba.
  • 44. Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
  • 45. Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
  • 46. Waxayna Daa`imi jireen dambi wayn.
  • 47. Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
  • 48. Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
  • 49. Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
  • 50. Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
  • 51. Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
  • 52. Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
  • 53. Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
  • 54. Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
  • 55. Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
  • 56. Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
  • 57. (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
  • 58. Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
  • 59. Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
  • 60. Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
  • 61. Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
  • 62. Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
  • 63. Ka warrama waxaad beereysaan.
  • 64. Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
  • 65. Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
  • 66. (Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
  • 67. Mase waa nala hoojiyay.
  • 68. Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
  • 69. Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
  • 70. Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
  • 71. Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
  • 72. Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
  • 73. Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
  • 74. Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
  • 75. (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
  • 76. Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
  • 77. Quraanku waa shay sharaf leh.
  • 78. Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
  • 79. Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
  • 80. Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
  • 81. Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
  • 82. Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
  • 83. Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
  • 84. Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
  • 85. Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
  • 86. Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
  • 87. Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
  • 88. Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
  • 89. Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
  • 90. Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
  • 91. Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
  • 92. Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
  • 93. Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
  • 94. Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
  • 95. Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
  • 96. Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
SHARE
logo
logo
logo
logo
logo
  • 1.Al-Fatihah
  • 2.Al Baqara
  • 3.Ali `Imran
  • 4.An-Nisa
  • 5.Al-Ma`idah
  • 6.Al-An`am
  • 7.Al-A`raf
  • 8.Al-Anfal
  • 9.At-Tawbah
  • 10.Yunus
  • 11.Hud
  • 12.Yusuf
  • 13.Ar-Ra`d
  • 14.Ibrahim
  • 15.Al-Hijr
  • 16.An-Nahl
  • 17.Al-Isra
  • 18.Al-Kahf
  • 19.Maryam
  • 20.Taha
  • 21.Al-Anbya
  • 22.Al-Haj
  • 23.Al-Mu`minun
  • 24.An-Nur
  • 25.Al-Furqan
  • 26.Ash-Shu`ara
  • 27.An-Naml
  • 28.Al-Qasas
  • 29.Al-`Ankabut
  • 30.Ar-Rum
  • 31.Luqman
  • 32.As-Sajdah
  • 33.Al-Ahzab
  • 34.Saba
  • 35.Faatir
  • 36.Ya-Sin
  • 37.As-Saffat
  • 38.Sad
  • 39.Az-Zumar
  • 40.Ghafir
  • 41.Fussilat
  • 42.sh-Shuraa
  • 43.Az-Zukhruf
  • 44.Ad-Dukhan
  • 45.Al-Jathiyah
  • 46.Al-Ahqaf
  • 47.Muhammad
  • 48.Al-Fath
  • 49.Al-Hujurat
  • 50.Qaf
  • 51.Adh-Dhariyat
  • 52.At-Tur
  • 53.An-Najm
  • 54.Al-Qamar
  • 55.Ar-Rahman
  • 56.Al-Waqi`ah
  • 57.Al-Hadid
  • 58.Al-Mujadila
  • 59.Al-Hashr
  • 60.Al-Mumtahanah
  • 61.As-Saf
  • 62.Al-Jumu`ah
  • 63.Al-Munafiqun
  • 64.At-Taghabun
  • 65.At-Talaq
  • 66.At-Tahrim
  • 67.Al-Mulk
  • 68.Al-Qalam
  • 69.Al-Haqqah
  • 70.Al-Ma`arij
  • 71.Nuh
  • 72.Al-Jinn
  • 73.Al-Muzzammil
  • 74.Al-Muddaththir
  • 75.Al-Qiyamah
  • 76.Al-Insan
  • 77.Al-Mursalat
  • 78.An-Naba
  • 79.An-Nazi`at
  • 80.Abasa
  • 81.At-Takwir
  • 82.Al-Infitar
  • 83.Al-Mutaffifin
  • 84.Al-Inshiqaq
  • 85.Al-Buruj
  • 86.At-Tariq
  • 87.Al-A`la
  • 88.Al-Ghashiyah
  • 89.Al-Fajr
  • 90.Al-Balad
  • 91.Ash-Shams
  • 92.Al-Layl
  • 93.Ad-Duhaa
  • 94.Ash-Sharh
  • 95.At-Tin
  • 96.Al-`Alaq
  • 97.Al-Qadr
  • 98.Al-Bayyinah
  • 99.Az-Zalzalah
  • 100.Al-`Adiyat
  • 101.Al-Qari`ah
  • 102.At-Takathur
  • 103.Al-`Asr
  • 104.Al-Humazah
  • 105.Al-Fil
  • 106.Quraysh
  • 107.Al-Ma`un
  • 108.Al-Kawthar
  • 109.Al-Kafirun
  • 110.An-Nasr
  • 111.Al-Masad
  • 112.Al-Ikhlas
  • 113.Al-Falaq
  • 114.An-Nas