• 1. Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).

  • 2. Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.

  • 3. Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.

  • 4. Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.

  • 5. Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.

  • 6. Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.

  • 7. Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.

  • 8. Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.

  • 9. Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,

  • 10. Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.

  • 11. Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.

  • 12. Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.

  • 13. Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).

  • 14. Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).

  • 15. Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).

  • 16. Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.

  • 17. Markay kulmi malaa`igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.

  • 18. Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).

  • 19. Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.

  • 20. Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).

  • 21. Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.

  • 22. Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.

  • 23. Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).

  • 24. Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.

  • 25. Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.

  • 26. Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.

  • 27. Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.

  • 28. Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.

  • 29. Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.

  • 30. Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.

  • 31. Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.

  • 32. Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).

  • 33. Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.

  • 34. Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.

  • 35. Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.

  • 36. Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.

  • 37. Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.

  • 38. Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.

  • 39. Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.

  • 40. Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.

  • 41. Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.

  • 42. Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.

  • 43. Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.

  • 44. Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.

  • 45. Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.