• 1. Mucjisada Quraankay ku tusin.

  • 2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Quraanka) cade (muuqda) ee.

  • 3. annagaa ka yeelley Quraan Carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed.

  • 4. Wuxuuna ku suganyahay Kitaabka asalkiisa (Looxul maxfuudka) agtiisa, waana sarreeyaa Quraanku falna sanyahay.

  • 5. Ma waxaan Quraanka idiinka haysanaynaa (daysanayna) inaad tihiin qoom ku xadgudbay xumaanta.

  • 6. Badanaa intaan udiray Nabi kuwii hore.

  • 7. Nabi uma yimaado Gaaladii hadii kale way ku jees jeesi jireen.

  • 8. Waxaana halaagnay kuwo ka xoogbadan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaaga ahaa).

  • 9. Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og.

  • 10. Waana Eebaha idiin kayeeley dhulka gogol idiinkana yeeleydhexdiisa Wadooyin si aad ugu hanuuntaan (toostaan).

  • 11. Waana Eebaha ka soo dajiyey Samada Biyo qadaran oon ku noolayno Magaalo dhimatay, saasaana leydiin soobixin.

  • 12. Waana Eebaha abuuray noocyada dhamaantood idiinkana yeeley Maraakiibta iyo Xoolaha waxaad kortaan.

  • 13. Inaad ku ekaataan dhabarkeeda markaas aad xusuusataan Nicmada Eebihiin markaad ku ekaataan ood dhahdaan waxaa nasahan Eebaha noosahley tan mana nihin kuwo kara leyligeeda.

  • 14. Anaguna xagga Eebahanno yaannu u gadoomeynaa.

  • 15. Waxay uga yeeleen Eebe addoomadiisa qayb, Dadkuna waa gaaloow badane cad.

  • 16. Miyuu ka yeeshay Eebe wuxuu abuuray qarkood Gabdho, oo idiin doorey Wiilal.

  • 17. Marka loogu bishaareeyo midkood wuxuu Eebaha Raxmaana uga yeeley tusaale, wuxuu noqdaa wajigiisu mid madow oo walbahaarsan.

  • 18. Ma Eebey u yeeleen wax ku barbaara isqurxin, oon doodna caddayn karin.

  • 19. Waxay ka yeeleen Malaa`igta ah addoomada Eebaha Raxmaan ah dhadig, miyey joogeen abuurkoodii, waan qoreynaa maragooda waana la warsan (waxaas).

  • 20. Waxay dhaheen hadduu doono Eebaha Raxmaan ah maanaan caabudneen waxkale ugumana sugnaanin wax cilmi ah arrintaas, waxaan beensheegayaal ahayna ma aha.

  • 21. Mise waxaan siinay Kitaab ka horreyey (quraanka) oy haystaan isagaas.

  • 22. Waxaybase dhaheen waxaan bellay Abbayowganoo jid ku socda anaguna iyaga raadkoodii yaan ku hanuunsanahay.

  • 23. Waa saasoo kale umaanaandirin Magaalo hortaa u dige haddii kale waxa dhihi Jireen kuwa raaxaystay anagu waxaan hellay Aabayoowganoo jid ku sugan anaguna raadkooda yaan ku dayanaynaa.

  • 24. Waxaad dhahdaa (ma waxaad raaxaysaan waxaas) haddaan idiinla imaado wax ka hanuunsan waxaad ka hesheen Aabayaalkiin (oo ku sugan) waxay dhihi annagu waxa laydiin ku soo diray waannu ka Gaalownay.

  • 25. Markaasaan ka aarsanay, bal day siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha (xaqa).

  • 26. Xusa Markuu ku yidhi (nabi) Ibraahim Aabihiis iyo Qoomkiisii anigu waxaan bari ka ahay waxaad caabudaysaan.

  • 27. Waxaanse caabudi Eebaha I abuuray isagaana i hanuunin.

  • 28. Wuxuuna kayeelay Kalimada (tawxiidka) tii ku baaqi ah Faraca Ibraahiim si ay xaqa ugu noqdaan.

  • 29. Saas ma aha ee waan u raaxeeyey kuwaas iyo Aabbayaalkood intuu uga yimaado xaqu iyo Rasuul cad (oo muuqda).

  • 30. Markuu u yimid xaqii waxay dhaheen kan waa sixir annaguna waannu ka Gaalownay.

  • 31. Waxay dhaheen gaaladii maxaa loogu dajin waayey Quraankan mid ka mid ah labada Magaalo ee weyn.

  • 32. Miyagaa qaybin Naxariista Eebahaa anagaa u qaybina dhexdeeda rizqigooda nolosha adduunyo waana ka kor yeelay qaarkood qaarka kale darajooyin, si leysugu shaqeeyo, Naxariista Eebahaa yaa ka khayrbadan waxay kulmin.

  • 33. Hadduusan Dadku noqoneyn umad kaliya (Gaalimada) waxaan uga yeelilahayn kuwa ka Gaalooba Eebe guryahooda Saanqaag Fidlo ah iyo Sallaano Fidla ah, oy ku koraan.

  • 34. Guryhoodana waxaan uga yeeli lahayn Albaabyo iyo Sariiro ay ku dangiigsadaan oo fidla ah.

  • 35. Iyo Dahab, waxaas dhamaantiisana waxaan raaxada nolasha dhaw ahayn ma aha, aakhiraase u ah Eebe agtiisa kuwa dhawrsada.

  • 36. Ruuxii ka jeedsada «aragheela» xuska Eebahaa Raxmaan ah (Quraanka) waxaannu la xidhiidhinaa shaydaan oo saaxiib u noqon.

  • 37. Shayaadiintuna waxay ka leexin Jidka (xaqa) waxayna isu maleyn inay hanuunsanyihiin (toosan yihiin).

  • 38. Markuu nooyimaaddo (Gaalku Qiyaamada) waxuu ku dhahaa (Shaydaanku) shaleytee mey dhexdeenna ahaato «wax la mid ah» fogaanshaha qorrax ka soobax iyo u dhaca, adaana u xun Saaxiib.

  • 39. Wax idiinma tarayso Maanta haddaad dulmi fasheen inaad cadaab wadaagtaan (ku kulantaan).

  • 40. Ma adaa wax maqashiin kara wax ma maqle, ma adaase hanuunin Kara (toosin kara) wax ma arke iyo cid ku sugan baadi cad.

  • 41. Haddaan kulatagno adiga ku (oofsano) anaga uunbaa ka aarsan Gaalada.

  • 42. Haddaan ku tusino waxaan u yaboohnayoo cadaab ah, waanu karraa korkooda.

  • 43. Ee qabso waxa laguu waxyooday Nabiyow waxaad ku sugantahay Jid toosan.

  • 44. Quraankuna sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaagaba, waana leydin warsan doonaa.

  • 45. Warso kuwaan dirray ee kaa horeeyey oo Rasuuladanada ka mid ahaa inaan yeellay Eebaha Raxmaana Kasoboow Ilaahyaal la caabudo.

  • 46. Dhab ahaan yaan ugu dirray Nabi Muuse isagoo wata aayaadkanaga xaga Fircoon iyo Jamaacadiisa, wuxuu yidhi anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebaha Caalamka.

  • 47. Markuu ulayimid aayadkanaga waxay noqdeen kuwo ku qosla.

  • 48. Ma tusino aayad haddii kale wey ka weyntahay walaasheed (tan kale) waxaana ku qabanay cadaab inay noqdaan darteed.

  • 49. Waxay dhaheen kan Saaxirka (Caalimka) ahaw (Muuse) noo bari Eebahaa wuxuu kugula ballantamay wanagu waan hanuuneynaaye.

  • 50. Markaan ka faydnay xaggooda cadaabkii waxay soo bexeen kuwo buriya (ballankii).

  • 51. Wuu u dhawaaqay Fircoon Qoomkiisii wuxuu yidhi miyuusan ii sugnaan xukunka Masar, iyo Wabiyadan socota hoostayda, miyeydaan wax arkaynin.

  • 52. Saw anagu kama khayroonin kan dulleysan een karayn waxcaddayn (Nabi Muuse).

  • 53. Maxaa loogu soo tuuriwaayey Jijimooyin Dahab ah, ama maxay ula imaan wayday Malaa`ig israac raacsan.

  • 54. Wuxuu fudaysaday (Fircoon) qoomkiisii wayna adeeceen waxayna ahaayeen Qoom faasiqiin ah.

  • 55. Markey nacadha galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan.

  • 56. Waxaan ka yeeley waano iyo tusaaale Dadka dambe.

  • 57. Markaan uga yeellay ina maryama (Ciise) tusaale, markaasay qoomkaagu Nabiyow ka jeedsadaan.

  • 58. Waxayna dheheen ma Ilaahyadanaa khayr roon mise isaga, mayna kuugu qadarin tusaale muran mooyee, waana qoom dood badan.

  • 59. Wax kale ma aha Ciise ee waa uun addoon aan u Nicmaynay ugana yeellay tusaale ree Bani Israa`iil.

  • 60. Haddaan doono waxaan idiinka yeelilahayn Malaa`ig badalkiina Dhulka u hadha.

  • 61. Nabi Ciisana waa calaamadda Saacadda (Qiyaame) ee ha shakiyina, ina raaca kaasaa ah jidka toosane.

  • 62. Yuuna idinka leexinin Shaydaan (Jidka) wuxuu idiin yahay Col cade.

  • 63. Markuu ulayimid Ciise xujooyin wuxuu ku yidhi waxaan idiin la imid xikmad iyo inaan idiin cadeeyo waxaad isku diidantihiin qaarkiis ee ka dhawrsada Eebe ina adeeca.

  • 64. Eebe isagaa ah Eebahay iyo Eebihiinba ee caabuda taasaa ah jidka toosane.

  • 65. Wayse is khilaafeen Xisbiyadii dhexdooda halaagna wuxuu u sugnaaday kuwii dulmi falay Cadaab Maalin daran xageed.

  • 66. Miyey sugi (Gaaladaasi) waxaan saacadda (qiyaame) ahayn inay ugu timaado si kado ah iyagoon ogayn.

  • 67. Saaxiibadu Maalinta Qiyaame qaarkood qaarka (kale) waa u col kuwa dhawrsaday mooyee (Mu`miniinta).

  • 68. (Waxaana loo odhon) addoomadaydoow korkiina cabsi ma aha Maanta mana murugoonaysaan.

  • 69. Waana kuwa rumeeyey Aayaadkanaga oo ahaa Muslimiinta.

  • 70. (Waxaana lagu dhihi) gala Janada idinkiyo Haweenkiinna (iyo kuwa idin la midka ah) idinkoo laydiin Nicmeeyey (laydin kana farxin).

  • 71. Waxaana lala korsocon Weelal (Saxamo) Dahab ah iyo Koobab, waxayna ka heli (Jannada) dhexdeeda waxay doonto Naftu kuna raaxaystaan Indhuhu idinkoo dhexdeeda ku waari.

  • 72. Taasina waa janadii aad ku dhaxasheen waxaad camalfalayseen.

  • 73. Waxaadna ku leedihiin dhexdeeda Faakiho badan ood xaggeeda wax ka cuntaan.

  • 74. Dambiilayaashu waxay gali cadaabka jahanamo iyagoo ku waari.

  • 75. Lagamana fudaydiyo dhexdiiseyna ku quustaan (aamusaanna).

  • 76. Manaan dulmiyin hasa yeeshee iyagaa dulmiilayaal ahaa.

  • 77. Waxayna u dhawaaqi Maalig (Malaga Naarta) iyagoo dhihi Eebahaa ha nadilo markaasuu dhahaa idinku waas kuwaaraysaan (naarta).

  • 78. Dhab ahaanbaan idiin la nimid xaq hasa yeeshee badankiin xaquu nacay.

  • 79. Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nabiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda).

  • 80. Mise waxay umaleeyeen inaanaan maqlayn qarsoodigooda iyo muujintoodaba, saas ma ah ee Mala`igtanadaa agtooda wax ku qoro.

  • 81. Waxaad dhahdaa Nabiyow haddii Eebaha Raxmaan ah usugnaado Ilmo anaa u hor caabudilahaa.

  • 82. Waxaa ka nasahan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee Eebaha Carshiga ah waxay ku timaamaan.

  • 83. Ee katag ha dhunbadeen (xumaanta) hana ciyaareen intay kala kulmaan maalintoodii loo yaboohaye.

  • 84. Eebe waa macbuudka Samada iyo macbuudka Dhulka, waana falsame wax og.

  • 85. Waxaana barako badnaaday (sarreeyeyna) Eebaha iska leh xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, agtiisaana ah ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) xaggiisaana laydiin celin.

  • 86. Mana hantaan kuway caabudeen Eebe ka sokow wax shafeeca ah hasayeeshee ciddii xaqa qirta iyagoo og (waxbay ushafeeci idanka Eebe ka dib).

  • 87. Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray waxay dhihi Eebe ee xaggee loo iili.

  • 88. Nabiguna wuxuu yidhi: Eeboow kuwani waa qoom aan rumaynayn (xaqa).

  • 89. Iska saamax waxaadna dhahdaa Nabadgalyo, way ogaandoonaan (waxa ku dhacee).